isbaddalku muxuu yahay?

classic Classic list List threaded Threaded
4 messages Options
Reply | Threaded
Open this post in threaded view
|

isbaddalku muxuu yahay?

Manaasir
Wadada Guusha

ku kalsoonoo Naftaada, dadka aflaxay waxay ku kalsoonyihiin naftooda iyo kartida ay leeyihiin.

Dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh erayga ( ma kari kartid ).

iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal mawduud, waxaa hubaal ah inaad guul ka gaarasid.

Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka haysato naftaada, waayo haddii aad isla xumaatid waligaa meel ma gaaraysid. waa inaad naftaada u sheegtaa inaad tahay nin rageed tirtirsi u baahan.

ku fikir mar walba waxa naftaada u roon, kana ilaali naftaada walwalka iyo walbahaarka.

haddii aad ku talaxtagto fikirka waxaa laga yaabaa inaad ka qaado fikirkaas cuduro falkood la waayey.

ha la babar dhigin naftaada dadka kale, siiba kuwa fashilmay.

dhag jalaq ha u siin dadka doonaya inay fadhiid kaa dhigaan.

Raadi meelaha aad ku liidato kadibna wiiq meelahaas, sidoo kale baadh meelaha aad ku wanaagsantahay, dabeetana xooji meelahaas.

yabaalka iyo cabsida aad ka cabsanayso tijaabada waa fashal kadinkiis.

kaalmaysiga Allaah iyo kalsoonidiisa waa jidkaaga koobaad ee Hormarka.

qofka aan qaldamin waligiis waa dadka aan waligood waxba baran.

Hinqashadu waxay dhaantaa in lagu dulmaro adigoo wadhan dhulka.

Ha is waydiin siday dadku kuu arkaane ee waxaad iswaydiisaa seed adigu u aragtaa Naftaada.

laguma qiyaaso liibaanta hanti ama waji, ee liibaantu waa hanuunka ilaahay oo lagu haleelsiiyo.

dhibkaagu ma aha yaraanta waxa aad haysato ee dhibkaagu waa dhiirigalin la,aan.

haddii aad ku sugantahay mushkilad, ha dafirin dhibkaas, waayo haddaad dafirto waligaa ma xalin kartid dhibkaas.

dadka oo yaraysataa waxay kuu keenaysaa in adigana lagu caaluqo.

isbaro adigu si gaara, sidaad u gaartid yoolalkaaga.

Badanaa arrimaha waxaan u aragnaa sidaan jecelnahay inaan u aragno, markaad eegaysid arrin u eeg si kaa madax bannaan.

ka raadi mushkilada dhexdeeda furdaaminteeda.
Reply | Threaded
Open this post in threaded view
|

Re: isbaddalku muxuu yahay?

Måns Gullberg
Administrator
Hello Manaasir!

Do you speak English or Swedish? I'm afraid I can't help you if you don't.
Mvh / Best regards
Måns Gullberg
Reply | Threaded
Open this post in threaded view
|

Re: isbaddalku muxuu yahay?

satea
helo
im speak english and swedish
thnks
Reply | Threaded
Open this post in threaded view
|

Re: isbaddalku muxuu yahay?

jocke
Do you speak swedish? Why you don´t go to the swedish support?

www.alltomoffroad.se